Filimka Commando 3 iyo sabtidiisa koowaad ganacsiga uu sameeyay.

0
1953

Filimka Commando 3 ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay maalintii shalay aheyd asigoona waliba sare u kac fiican sameeyay wuxuuna keenay filimkaan 5.50 crore ilaa 5.75 crore lacago u dhaxeeyaan sida ay soo daabacday shabakada BOI.

Filimada Commando iyo Commando 2 waa filimo ku fashilmeen Box Officeka balse waxay si wanaagsan uga gadmeen dhanka TVyada balse haatan waxay u muuqataa in Commando 3 uu soo afjari doono abaarta filimkaan ka heysato dhanka tiyaatarka isla markaasna uu tiyaatarka ganacsi wanaagsan ka sameyn doono.

Filimka Commando 3 ayaa haatan ganacisgiisa guud marayaa 10.50 crore waana arin wanaagsan wuxuuna filimkaan ganacsi wanaagsan ka sameeyay tiyaatarada dakhliga badan ee Multiplexka asigoo jimcihii halkaas ka liitay.

Maanta oo axad ah filimkaan waxaa la filayaa inuu ganacsi weyn sameyn doono isla markaasna sare u kac fiican sameyn doono maadaama maalin fasax tahay oo dadka shaqooyinka ka nasanayaan.

Halkaan hoose kaga bogo Commando 3 iyo mudo 2 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 4.75 crore.

Sabti; 5.75 crore.

Wadarta guud; 10.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here