filimka daafaha aduunka gilgilaayo ee Frozen II iyo todobaadkiisa koowaad ganacsiga uu ka sameeyay gudaha India.

0
629

Filimka Forzen 2 ayaa jimcadii hore la saaray tiyaatarada Aduunka waana filim qoysaska iyo caruurta loogu talo galay asigoo qeybtii koowaad ee filimkaan lacago waali ah soo xareysay sanadkii 2012dii balse qeybtaan ayaa kasii dartay.

Filimkaan Kartoonka ayaa India kaga saameyn badnaaday filimka Pagalpanti ee jilayaasha badan ee Hindida la isugu keenayo asigoona keenay isbuuciisa koowaad 24 crore halka Pagalpanti uu keenay 28 crore balse PagalPanti waxaa la saaray 3000 oo tiyaatar halka Frozen 2 la saaray 1200 kaliya waxaadna dareemi kartaa farqiga tiyaatarada labada filim la saaray u dhaxeeyo inuu waxbadan badanyahay filimka Pagalpanti sidaas oo ay tahayna lacagaha todobaadkooda koowaad keeneen wey iska agdhowyihiin.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo todobaad lacagaha uu gudaha India kasoo xareeyay;

Jimce; 3.25 crore.

Sabti; 6.75 crore.

Axad; 8.25 crore.

Isniin; 1.75 crore.

Talaado; 1.50 crore.

Arbaco; 1.40 crore.

Khamiis; 1.40 crore.

Wadarta guud; 24.30 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here