filimka Dabangg 3 oo todobaadkiisa labaad sadaxda maalin ugu horeyso lacago burbur la yimaaday.

0
1135

Filimka Dabangg 3 ayaa todobaadkiisa labaad sadaxda maalin ugu horeyso ku burburay Box Officeka walow uu keenay 10 crore hadana lacagihii uu todobaadkiisa koowaad markii loo fiiriyo waa ganacsi bur bur ah.

Dabangg 3 ayaa todobaadkiisa koowaad sadaxda maalin ugu horeyso la yimid 73 crore halka todobaadkiisa labaad saxada maalin ugu horeyso uu keenay 10.75 crore wuxuuna sameeyay 85% hoos u dhac waana arin niyad jab ah maadaama filimkaan todobaadkiisa koowaad uu curyaamiyay rabshadihii wadankaas ka dhaceen.

Dabangg 3 sidoo kale wax ganacsi la sheegi karo kama sameynaayo tiyaatarada dakhliga badan ee Multiplexka loo yaqaano maadaama uu halkaas siweyn uga gadmaayo filimka Good Newwz.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo D3 iyo mudo 10 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Week1; 113.75 crore.

Jimce 2aad; 2.75 crore.

Sabti 2aad; 3.50 crore.

Axad 2aad; 4.50 crore.

Wadarta guud; 124.50 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here