Filimka Darbar iyo todobaadkiisa koowaad lacagaha uu keenay.

0
1035

Filimka Darbar waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Rajinikanth oo ay soomaalida u taqaano Jeestoole waana filim Tamil ah misna Action iyo madadaalo dhameystiran leh waxaana Rajini filimkaan ku wehliyo jilaaga Suniel Shetty.

Mega Star Rajinikanth filimkiisa Darbar ayaa mudo todobaad ah (8 maalmood maadaama khamiis tiyaatarka la saaray) kusoo xareeyay 99.20 crore waana ganacsi liito maadaama intaas kabadan laga filaayay filimkaan.

Sidoo kale filimka Darbar ayaa isku darka gudaha india iyo daafaha caalamka todobaadkiisa koowaad (8 maalmood) kaga soo xareeyay 149.90 crore.

Waxaa xusid mudan in filimkaan dhulweynaha Tamilka ah uu kasoo xareeyay 54.30 crore sida ay soo daabacday shabakada Andhara Box Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here