Superstar Ajay Devgn filimkiisa jaceylka iyo shactirada isku jiro De De Pyaar De sidoo kalena 17 May 2019 tiyaatarada la saaray asigoo Semi HIT noqday ayaa haatan TV-yada ama Satellite-ka lagu soo fasaxay wuxuuna la kulmay soo dhaweyn dhex dhexaad ah.

De De Pyaar De madaama uu yahay filim reer magaalka loogu tala galay wuxuu ku furmay dhanka TV-yada inay daawadeen 6-milyan iyo 633,000 oo qof waxaana hawada kusoo fasaxda Star TV waa fagta kowaad ee lasoo fasaxay.

De De Pyaar De wuxuu kaalinta 10-aad ka galay 10-ka filim ee sanadkan 2019 loogu daawasho badan yahay dhanka TV-yada sidoo kalena wuxuu ka bilaabaso wanaagsanaaday dhanka TV-yada filimada Uri iyo Gully Boy sababtana waxay tahay in Ajay Devgn uu yahay Superstar weyn oo taageerayaal badan leh sidaa darteed filimkan fariintiisa xadidan Ajay dartiis ayuu ku helay bilaabashadan dhex dhexaadka ah dhanka TV-yada.

Dhinaca kale filimka Total Dhamaal ee Superstar Aja Devgn hogaamiye ka yahay kuna wehliyaan Anil Kapoor, Madhuri Dixit, Arshad Warsi, Retiesh Deshmuk iyo jilaayaal kale ayaa iskooro taariikhi ah ka sameenayo dhanka TV-yada waayo ku dhawaad 50-milyan oo qof ayaa daawadeen tiro 5-jeer ah oo Star TV hawada kusoo fasaxday waxayna ka dhigan tahay marwalbo hawada lagu soo fasaxo 10-milyan oo qof inay daawanayaan cel celis ahaan halka aflaanta sanadkan Satellite-ka ku cusub fagta kowaad tiro kooban u suura gashay inay 10-milyan daawadaan!

Filimka Total Dhamaal wuxuu ku socdaa inuu dhanka daawashada ku garaaco Golmaal Again iyo Tiger Zinda Hai oo sanadihii ugu dambeeyay TV-yada wacdaro taariikhi ah ka dhigeen kaliya Bahubali 2 ayuusan gaarin karin ee labadan kale dhanka TV-yada wuu ku garaaci doonaa marka tirsigiisa daawashada tiro 8-jeer ah gaarto ama ka badan.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee sanadkan 2019 Satellite-ka lagu soo fasaxay ee loogu daawasho badan yahay waxaa ku jiraan aflaan 2018 tiyaatarada la saaray laakiin sanadkan 2019 ayaa Satellite-ka lagu soo fasaxay sida 2.0, Simmba, Zero, Race iyo Kedarnath. Waxaana filim walbo loo xisaabiyay fagta kowaad ee hawada lagu soo fasaxay ee ku cel celiska looma xisaabinin:

1. Total Dhamaal – 16-milyan & 793,000 (Star)

2. 2.0 (Hindi) – 16-milyan &513,000 (Zee)

3. Kesari – 15-milyan & 666,000 (Zee)

4. Luka Chuppi  – 12-milyan & 500,000 (Star) 

5. Junglee – 11-milyan & 177,000 (Star)

6. Simmba – 11-milyan &102,000 (Zee)

7. Zero – 9-milyan & 260,000 (Zee)

8. Kedarnath – 7-milyan & 288,000 (Zee)

9. Race 3 – 7-milyan & 85,000 (Zee)

10. De De Pyaar De – 6-milyan & 633,000 (Star)

Dhinaca kale hoos kaga bogo filimka Total Dhamaal oo All Time Blockbuster ka noqday dhanka TV-yada trada 5-jeer ee Star TV hawada kusoo fasaxeen iyo inta qof ee daawatay:

1st – 16-milyan & 793,000 oo qof

2nd – 8-milyan & 458,000 oo qof

3rd – 7-milyan & 306,000 oo qof

4th – 7-milyan iyo 984,000 oo qof

5th- 8-milyan & 436,000 oo qof

TOTAL – 48-milyan & 977,000 oo qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here