Home » Box Office » Filimka Deadpool 2 oo $300M soo xareeyay dibad iyo dal sedexdiisa maalmood ugu horeyso

Filimka Deadpool 2 oo $300M soo xareeyay dibad iyo dal sedexdiisa maalmood ugu horeyso

Inkastoo filimka Deadpool 2 gudaha Mareekanka iskoor ka dhigin haddana ganacsi weyn ayuu sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso wuxuuna keenay $301.3 M isku darka dibad iyo dal.

Markii hore waxaan idinla wadaagnay in la sadaalinayay Deadpool 2 uu noqon doono filimada fariin ahaan R-Rated ah ama dadka 17-sano ka weyn daawan karaan midkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo sedexda maalmood ee ugu horeyso gudaha USA haddana midaas ma dhicin.

Deadpool 2 sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay USA Boxoffice wuxuu ka keenay $125 million wuxuuna gaari waayay lacagihii qaybtiisa kowaad Deadpool keenay sanadii 2016 sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay oo ahayd $132.4 million.

Deadpool 2 dadka usoo daawasho tageen gudaha USA sedexda maalmood ee ugu horeesay 61% lab ayay ahaayeen halka 39% ay dhidig ahaayeen jinsi ahaan sidoo kalena 62% dadka daawadeen da’dooda 25-sano ayay ka sareesay.

Waxaa la qiyaasaa in Deadpool 2 ganacsi ahaan cimri ahaantiisa gudaha USA uu kasoo xareen karo $300M taasi oo ka dhigan inuu gudaha Mareekanka kaga lacag yaraan doono qaybtiisii kowaad Deadpool oo $363.1M keenay labo sano ka hor.

Dhinaca suuqyada caalamka Deadpool 2 waxaa la saaray 81-suuq wuxuuna keenay $176.3 million mudo sedex maalmood ah ganacsigiisa daafaha caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Deadpool 2 oo miisaaniyad $110M xambaarsan in sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso uu soo xareeyay $301.3 M isku darka gudaha Mareekanka iyo daafaha caalamka waana bilaabasho heer sare ah.