Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl ayaa bilaabasho wanaagsan la yimid wuxuuna ku furmay 30% asigoo sidaas ku noqday xidigan filimkiisa ugu bilaabashada wanaagsan weliba gobolada qaar 40% ilaa 50% ayuu kaga furmay sida shabakada Boxoffice India (BOI) baahineyso.

Dream Girl goos gooskiisa iyo heesihiisa waa laga helay iyo fariintiisa aad u wacan awgeed ayaa sababtay bilaabashadan wanaagsan inuu la imaado sidaa darteed shabakada BOI waxay sadaalinee in Ayushmann Khurrana filimkiisa maalinta kowaad 10 Crore ka talaabsan doono ama gaari doono waana ganacsi heer sare ah oo awooda xidigan ka dhigeyso inay sare u kacday.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee ugu bilaabashada wanaagsan sanadkan 2019 aflaanta Bollywood-ka ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) waxaana xusid mudan in Dream Girl uu kaalinta 8-aad ka galay:

1. Bharat – 60%

2. Mission Mangal – 52.5%

3. Kabir Singh – 42.5%

4. Gully Boy – 32.5%

5. Kalank – 30%

6. Total Dhamaal – 30%

7. Batla House – 30%

8. Dream Girl – 30%

9. Kesari – 27.5%

10. Student Of The Year 2 – 27.5% 

Dhinaca kale labada filim kale ee masraxa ku cusub Baadshah Pehalwan oo shirkada Kannada iska leedahay iyo Section 375 waxay labadooduba ku furmeen si aad u hooseyso fagta hore ee maanta rajo baddana lagama qabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here