Filimka fariintiisa la amaanayo ee Hotel Mumbai iyo ganacsiga uu soo xareeyay mudo 3 maalmood ah.

0
846

Filimka Hotel Mumbai ayaa todobaadkaan dhamaadkiisa maalintii jimcaha la saaray tiyaatarada India asigoona filimkaan ku furmay maalintiisa koowaad qaab liito wuxuuna keenay kaliya 1 crore.

Hase yeeshee maalintiisii labaad ayuu sare u kac 75% sameeyay waxaana u sabab ah in filimkaan sheekadiisa aad loo amaanay misna uu la isku sheeg sheegay wuxuuna maalintiisii labaad keenay 1.75 crore.

Balse shalay oo axad aheyd ayuu ganacsigiisa ugu wanaagsanaa sameeyay inkastoo uu sare u kac xoogan sameynin hadana wuxuu keenay 2 crore nadiif ah.

Filimkaan ayaa wuxuu isku haleynaayo dhan ah fariintiisa wanaagsan waxaana maanta laga dhar sugayaa siduu isku celiyo ganacsi ahaan.

Halkaan hoose kaga bogo Hotel Mumbai iyo mudo 3 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 1 crore.

Sabti; 1.75 crore.

Axad; 2 crore.

Wadarta guud; 4.75 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here