filimka fashilmay ee Panipat iyo gansigiisa halka uu maraayo mudo 11 maalmood.

0
444

Filimka Panipat waa Flopka sanadkaan sida ay haatan wax u muuqdaan markii loo fiiriyo ayadoo filimkaan miisaaniyada culus la galiyay marnaba noqonin sidi laga filaayay waxaana daawadayaasha kala wareegay filimka Pati Patni Aur Whoh kaasoo uu hogaamiye ka yahay jilaaga dhalinta yar ee Kartik Aryan halka Panipat uu wado Arjun Kapoor.

Filimka Panipat ayaa haatan mudo 11 maalmood ganacsigiisa wuxuu marayaa 29 crore asigoona todobaadkiisa labaad gabi ahaanba burburay wuxuuna maalintii shalay aheyd keenay 45 lakh.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 11 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Todobaadkiisii koowaad; 25.69 crore.

Jimcadiisii labaad; 65 lakh.

Sabtidiisii labaad; 1.15 crore.

Axadiisii labaad; 1.40 crore

Isniintiisii labaad; 45 lakh.

Wadarta guud 29.34 crore.

Filimkaan cimri ahaantiisa ma dhaafi doono 31 crore ayadoo todobaadkiisa sadaxaad tiyaatarada laga dajin doono waana Big Flop.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here