Filimka Hollywoodka misna kartoonka ah ee Frozen 2 ayaa wacdaro ka dhigaayo Box Officeka wuxuuna ameerikada waqooyi kaliya mudo sadax maalmood ka keenay 127 Million oo dolar.

Filimkaan oo ay jilayaan Idina Menzel, Kristen Bell, Jonathan Groff, iyo Josh Gad sidoo kalana qeyb katahay Selena Gomez ayaa ah filim Disney Movies wuxuuna daafaha caalamka mudo 3 maalmood kasoo xareeyay 350 Million oo dolar wuxuuna sidaas ku noqday filimkii lacagaha ugu badan soo xareeyay filimada Disney Movieska mudo 3 maalmood ah.

Sidoo kale filimkaan ayaa noqday filimka sadaxaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo mudo 3 maalmood ah gudaha mareykanka waxaana ka horeeyo filimada Finding Dory (135 Million) iyo The Incredibles 2 (182 Million) balse labadaan filimba waa Pixar films sidaas owgeed filimka Frozen 2 waa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay filimada Walt Disney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here