Filimka Cartoonka ee Frozen 2 kaasoo wacdaro weyn ka dhigaayo daafaha caalamka ayaa sidoo kale gudaha India si fiican uga gadmaayo wuxuuna maalintii shalay aheyd keenay 1.75 crore.
Filimkaan ayaa sameeyay 50% hoos u dhac markii lala barbardhigo jimcadiisii koowaad oo uu keenay 3.25 crore waana hoos u dhac macquul ah misna la aqbali karo waayo filimkaan maalmaha sabtida iyo axada ayuu siweyn u gadmay ugana faaideystay fasaxyadii jireen.
Frozen 2 haatan wuxuu isbuuciisa koowaad keeni doonaa qiyaastii 24 ilaa 25 crore asigooana cimri ahaantiisa gaari doono 35 crore (qiyaas) waana ganacsi wanaagsan.
Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 4 maalmood ganacsiga uu ka sameeyay gudaha India;
Jimce; 3.25 crore.
Sabti; 6.75 crore.
Axad; 8.25 crore.
Isniin; 1.75 crore.
Wadarta guud; 22 crore.