Filimka Good Newws iyo sadaxdiisa maalin ugu horeyso lacagaha uu keenay Akshey waa tagay.

0
1390

Filimka Good Newwz ayaa sameeyay 3da maalin ugu horeyso todobaadkiisa koowaad lacago aad iyo aad u wanaagsan asigoo waliba noqday filimka 2aad ee lacagaha ugu badan usoo xareeyay Akshey Kumar filimadiisa wuxuuna todobaadkiisa koowaad sadaxda maalin ugu horeeyo keenay 65 crore nadiif ah.

Good Newwz oo daraad keenay 21.50 crore ayaa shalay oo isniin aheyd markale sameeyay 20% sare u kac ah wuxuuna keenay 26 crore nadiif ah taasoona wadarta guud ee lacagaha filimkaan ka dhigtay 65 crore.

Tani ayaa waxay ka dhigantahay in Filimkaan uu yahay filimka labaad ee lacagaha ugu badan usoo xareeyay Akshey Kumar maalmaha Weekendiga waxaana ka badan kaliya Mission Mangal oo bartamihii sanadkaan keenay 67.39 crore sadaxdiisa maalin ugu horeyso halka Kesari uu keenay 54.35 crore sidoo kale Housefull 4 oo la daawaday Pre Diwali ayaa keenay 49.26 crore.

Filimkaan ayaa East Punjab durba Blockbuster ka noqday asigoona halkaas si waali uga gadmaayo sidoo kale Delhi/NCR ayuu siweyn uga gadmayaa balse Delhi/UP wuxuu ka keenay ganacsi Average ah wuxuu sidoo kale filimkaan ku wanaagsanyahay isla markaasna rikooro ka sameeyay magaalooyinka Rajasthan, Gujarat, Bangalore iwm.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Good Newwz iyo mudo 3 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 17.50 crore.

Sabti; 21.50 crore.

Axad; 26 crore.

Wadarta guud; 65 crore.

FG; Filimka Good Newwz waa filim Comedy ah misna loogu talogalay dadka dabaqada sare ee reer magaalka mana ahan filim weyn oo madadaalo dhameystiran leh sidaas darteed wuxuu ka gadmayaa magaalooyinka waaweyn asigoona gobolada iyo tuulooyinka fog fog ka liito maadaama aanan halkaas loogu talo galin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here