Filimka Good Newwz iyo maalintiisa koowaad ganacsiga uu sameeyay oo wadada Hitka saartay.

0
1159

Filimka Good Newwz oo uu hogaamiye kayahay Super Star Akshey Kumar ayaa wadada Hit uu ku noqon lahaa durba cagta saaray asigoo waliba kaliya hal maalin tiyaatarada saaran waxayna lacagihii uu shalay filimkaan keenay u damaanad qaadeen in uu Hit dhameystiran noqon doono.

Good Newwz ayaa shalay keenay 17.50 crore sida ay shabakada BOI soo qortay wuxuuna filimkaan siweyn uga gadmay Delhi iyo East Punjab asigoona halkaas lacago fiican ka sameeyay.

Lacagaha uu Good Newwz maalintii shalay keenay ayaa waxay ka dhigantahay in filimkaan ugu yaraan sadaxdiisa maalin ugu horeyso uu ka talaabi doono 60 crore waxaana macquul ah inuu gaaro 70 crore asigoona wali uu usii dhimanyahay fasaxa sanadka cusub waxaana haatan hubaa ah in filimkaan Hit yahay hadii aysan mucjiso dhicin.

Waa filimkii 4aad ee Akshey sanad gudihiisa Hit dhameystiran u noqday iyo filimkii 14aad xiriir ah oo u guuleysto waxaana haatan moodaa in AK sameynta filimada Hitka ah aysan wax dhib ku aheyn bacdamaa uu hal sano 4 Hit la yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here