Filimka Good Newwz ayaa sare u kac 20% shalay sameeyay markii lala barbardhigo ganacsigii uu isniintii sadaxaad sameeyay asigoona shalay soo xareeyay 1.50 crore wuxuuna filimkaan ganacsigiisa haatan marayaa 187 crore asigoona isbuuca dambe dhaafi doono ganacsiga filimka Mission Mangal ee ah filimka labaad ee lacagaha ugu badan usoo xareeyay Alshey Kumar.

Good Newws ayaa sidoo kale noqon doono filimka lacagaha ugu badan isku darka dal iyo dibad usoo xareeyay Akshey Kumar wuxuuna dhaafi doonaa ganacsiga filimoa Housefull 4 kaasoo isku darka gudaha India iyo daafaha caalamka ka keenay 295 crore wuxuuna Good Newwz noqon doonaa filimkii ugu horeeyay Akshey Kumar hogaamiye kayahay oo darajada 300 crore ka talaabo markii la isku daro ganacsigiisa dal iyo dibad.

Good Newwz inkastoo todobaadkiisa sadaxaad hoos u dhac sameeyay sidoo kalana ganascigii laga filaayay ka gaabiyay hadana Week 3 wuxuu soo xareyn doonaa qiyaastii 13.50 ilaa 14 crore.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 19 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Week1; 124.92 crore.

Week2; 50.68 crore.

Jimce; 2 crore.

Sabti; 3.25 crore.

Axad; 3.50 crore.

Isniin; 1.25 crore.

Talaado; 1.50 crore.

Wadarta guud; 187.12 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here