Filimka Good Newwz oo caawo india gilgilaayo iyo Dabangg 3 oo jimcadiisii labaad burburay iyo qiyaasta xili hore filimadaan lacagaha ay keeneen.

0
1869

Filimka Good Newws ayaa caawo sare u kac weyn sameeyay kadib markii uu subaxaan ku furmay qaab wanaagsan asigoona siweyn ugu wanaagsan tiyaatarada dakhliga badan laga helo ee Multiplexka.

Good Newwz ayaa saakay ku furmay 25% asigoona bilaabasho wanaagsan sameeyay wuxuuna maanta duhurkii sameeyay sare u kac asigoona gaaray 35% balse caawo fiidkii ayuu filimkaan karaar qaatay wuxuuna marayaa 60% waana arin aad u wanaagsan.

Good Newwz qaabka uu ku socdo waxaa laga qiyaas qaadan doonaa in maanta uu ugu yaraan keeni doono qiyaastii 18 crore asigoona ay macquul tahay in ganacsigiisa gaaro 20 crore.

Arinta wanaagsan ayaa waxay tahay in filimkaan uu siweyn uga gadmaayo magaalooyinka Delhi/UP asigoona lagu wado in halkaas uu maalinta bari ah ka keeno ilaa iyo 4 crore waana ganacsi aad u wanaagsan oo uusan xitaa Dabangg 3 halkaas ka sameynin maalintiisii koowaad.

Good Newwz haatan waxaa lagu wadaa kadib ganacsigiisa jimcaha oo maalin shaqo ah in maalmaha bari iyo axada uu siweyn u gadmo xitaa waxaa macquul ah inuu noqdo Akshey Kumar filimkiisa lacagaha ugu badan u soo xareeyo sadaxdiisa maalin ugu horeyso.

Dhanka kale Dabangg 3 ayaa siweyn hoos ugu dhacay jimcadiisii labaad asigoona bari qiyaasta xili hore keeni doono kaliya 3 crore.

Inkastoo uu filimkaan todobaadkiisii labaad ku gudo jiro hadana markii loo fiiriyo jimcadiisii koowaad oo uu ku furmay 22.50 crore inuu jimcadiisa labaad keeno 3 crore waa arin hoos u dhac weyn ah waxaana muuqata in dadweynaha haatan ku xoomeen filimka tiyaatarada ku cusub ee Good Newws.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here