Filimka Pati Patni Aur Woh ayaa ganacsigiisa wanaagsan iska sii wato asigoona ku gudo jiro isbuuciisii labaad wuxuuna filimkaamn haatan marayaa 14 crore mudo 4 maalmood uu uu isbuuciisa tiyaatarada saaranyahay.

Filimkaan ayaa maalintii shalay aheyd keenay 1.75 crore asigoona si adag isku celiyay waxayna haatan u badantahay in todobaadkiisa labaad keeni doono lacago u dhaxeeyo 18 ilaa 19 crore nadiif ah balse filimkaan waxaan caqabad ku noqon doono filimka Dabangg3 oo todobaadkaan tiyaatarada loo baneyn doono.

Filimka PPAW ayaa lagu waday in ganacsigiisa gaari doono 75 crore balse haatan taasi uma muuqato waayo todobaadkiisa sadaxaad waxaa tiyaatarada India la wareegi doono filimka weyn ee Dabangg3 sidaas owgeed ganacsiga filimkaan masii socon doono inkastoo uu mar hore Hit noqday misna guuleystay.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 11 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Isbuuciisa koowaad; 51.35 crore.

Jimcadiisa labaad; 2.75 crore.

Sabtidiisa labaad; 4.50 crore.

Axadiisa labaad; 5 crore.

Isniintiisa labaad; 1.75 crore.

Wadarta guud 65.35 crore.

Filimkaan ayaa sida muuqato cimri ahaantiisa soo xareyn doono 70 crore wuxuuna ku darsan doonaa waxyar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here