filimka Hollywoodka ee Frozen 2 iyo ganacsiga uu soo xareeyay 3diisa maalmood ugu horeyso isbuuciisa labaad.

0
529

Inaba caadi ma ahan ganacsiga uu sameeyay filimka Frozen II kaasoo isbuuciisa labaad haatan ku gudo jiro kadib markii Jimacdii hore tiyaatarada India la saaray wuxuuna filimkaan tiyaatarada saaranyahay mudo 10 maalmood ah.

Frozen 2 ayaa isbuuciisii koowaad keenay 26 croreasigoona qarka u fuulay inuu ka lacag badiyo filimka tiyaatarada badan la saaray ee Pagalpanti kaasoo Box Officeka ku fashilmay.

Filimka Frozen 2 ayaa haatan sadaxdiisa maalmood ugu horeeyo isbuuciisa 2aad keenay 9.25 crore kadib markii uu maalintii shalay aheyd soo xareeyay 4.25 crore waxayna tani ka dhigantahay in wadarta guud ee filimkaan haatan maraayo 35 crore wuxuuna filimkaan sameeyay 50% hoos u dhac waana mid la aqbali karo maadaama uu todobaadkiisii koowaad ganacsi wacan sameeyay.

Frozen 2 ayay haatan u badantahay inuu ganacsigiisa gaari doono 45 crore waxaana macquul ah in filimkaan gaaro darajada 50 crore ayadoo awal la is lahaa 35 crore kama talaabi doono balse haatan lacagtaas mudo 10 maalmood ayuuba ku dhaafay.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Frozen 2 iyo mudo 10 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Todobaadkiisa 1aad; 26.31 crore.

Jimcadiisa labaad; 1.50 crore.

Sabtidiisii labaad; 3.50 crore.

Axadiisii labaad; 4.25 crore.

Wadarta guud; 35.56 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here