Filimka Frozen 2 waa qeybtii labaad ee filimka Frozen kaasoo la daawaday sanadkii 2013dii  waana filim Disney ah asigoona noqday filimkiii 6aad ee Disney ah kaasoo sanadkaan gudihiisa gaaray darajada 1 Billion Dolar.

Companyga Walt Disney oo filimkaan iska leh ayaa shaaca ka qaaday in sanadkaan ay iibiyeen tikid lacagtiisa kor u dhaaftay 10 Billion oo dollar waana lacago waali ah asigoona filimkaan Frozen 2 noqday filimkii 6aad ee Disney ah kaasoo 1 Billion kor u dhaafay.

Filimka Frozen 2 ayaa mudo 3 isbuuc ah kusoo xareeyay 1.34 Billion Dolar wuxuuna sidaas ku noqday filimkii 7aad oo Cartoon ah kaasoo sida ugu dhaqsiyaha badan ku gaaray darajada 1 Billion Dolar waxaana ka dag-dag badan 6 filim oo Cartoon ah ayadoo filimkii ugu horeeyay Cartoon ahaa ee darajada 1 Billion gaaray uu ku gaaray mudo 15 isbuuc ah balse Frozen 2 ayay ku qaadatay 3 isbuuc.

5ta filim kale ee shirkada Disney leedahay kuwaasoo sanadkaan darajada 1 Billion ka talaabay waxay kala yihiin Aladdin, The Lion King, Toy Story, Avengers; Endgame, iyo CaptainMarvel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here