Filimka Hollywoodka ee Frozen 2 ayaa maalintiisii qarka u fuulay inuu ka lacag badiyo filimka Bollywoodka ee tiyaatarada badan saaran Pagalpanti maadaama ay min 8.25 crore shalay oo Axad aheyd isla keeneen.

Filimkaan waxaa shalay ku xoomay dhamaan qoysaska hindida iyagoona caruurtooda u wadeen sidii ay u daawan lahaayeen filimkaan kartoonka ah wuxuuna Frozen 2 haatan noqday dooqa koowaad ee daawadayaasha.

Hadii filimkaan la saari lahaa tiyaataro lamid ah midkii la saaray Pagalpanti ama ku dhaw hubaal lacago intaan waxbadan kabadan ayuu keeni lahaa.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimka Frozen 2 iyo mudo 3 maalmood lacagaha uu keenay.

Jimce; 3.25 crore.

Sabtid; 6.75 crore.

Axad; 8.25 crore.

Wadarta guud; 18.25 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here