filimka Hollywoodka ee Jumanji – The Next Level iyo mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay.

0
576

Filimka Hollywoodka ee uu hogaamiyaha ka yahay jilaaga caanka ee Dwayne Johnsson si fiican isku celiyay shalay oo talaado aheyd markii lala barbardhigo ganacsigiisii maalintii isniinta wuxuuna keenay 2.50 crore nadiif ah canshuurta kadib.

Filimkaan oo 3dii maamlood ugu horeysay si fiican u gadmay ayaa isniintii hoos u dhac aan loo baahneen sameeyay balse shalay oo talaado aheyd ayuu filimkaan is celiyay mana uusan sameynin hoos u dhac weyn wuxuuna haatan ganacsigiisa mudo 5 maalmood marayaa 29.50 crore.

Filimkaan ayaa labada maalmood ee todobaadkiisa koowaad ka dhiman ku darsan doono qiyaastii 4 ilaa 5 crore wuxuuna keeni doonaa 33 ilaa 34 crore todobaadkiisa koowaad.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Khamiis galinkii dambe; 1.25 crore.

Jimce; 5 crore.

Sabti; 8.25 crore.

Axad; 9.75 crore.

Isniin; 2.75 crore.

Talaado; 2.50 crore.

Wadarta guud; 29.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here