filimka Hollywoodka ee Jumnaji – The Next Level iyo mudo labo maalmood ah ganacsiga uu gudaha India ka keenay.

0
728

Filimka Jumnaji – The Next Level waa filim Hollywood ah kaasoo gudaha India dhawaan la saaray asigoo habeenkii khamiista aheyd filimkaan tiyaataro kooban la saaray wuxuuna soo xareeyay 1.25 crore.

Filimkaan ayaa maalintii Jimcaha aheyd si guud tiyaatarada India loo saaray wuxuuna jimcadiisii koowaad soo xareeyay 5 crore asigoo waliba ka lacag badiyay filimka Bollywoodka ee Mardaani 2.

Hase yeeshee shalay oo sabti aheyd ayuu sare ukac fiican sameeyay wuxuuna keenay 8.25 crore asigoona markale filimka Mardaani ka lacag badiyay kaasoo shalay keenay 6.50 crore.

Filimka Jumnaji – The Next Level ayaa mudo 2 maalmood haatan kusoo xareeyay 14.50 crore waana ganacsi heer sare ah asigoo waliba maanta oo axad ah usii dhimantahay.

Filimkaan Hollywoodka oo uu hogaamiye kayahay Dwayne Johnson (The Rock) ayaa waxaa tiyaatarada aduunka la saaray isla jimcadii asigoona sifiican uga gadmaayo daafaha dunida gaar ahaan USA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here