filimka Hotel Mumbai iyo mudo labo maalmood ganacsiga uu ka sameeyay gudaha India.

0
918

Hotel Mumbai waa filim la sameeyay 2018dii waxaana laga leeyahay USA Australia iyo India asigoona horay tiyaatarada wadamada Australia iyo USA haatana waxaa la saaray tiyaatarada India.

Filimkaan ayaa waxaa jilayaal ka ah Dev Patel, Armie Hammer, Nazanin Boniadi, Anupem Kher iyo kuwa kale waxaana jimcihii la saaray tiyaatarada India asigoona maalintiisa koowaad keenay 1 crore nadiif ah.

Balse filimkaan ayaa shalay sameeyay 75% sarek u kac waana arin wanaagsan maadaama uu keenay 1.75 crore balse wax weyn uma soo kordhineyso maadaama jimcadiisii koowaad uu keenay ganacsi liito oo 1 crore ah.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo labo maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 1 crore.

Sabti; 1.75 crore.

Wadarta guud; 2.75 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here