Filimka Jawaani Jaaneman ee uu hogaamiyaha ka yahay Saif Ali Khan ayaa sadaxda maalin ugu horeyso todobaadkiisa koowaad sameeyay ganacsi liito wuxuuna soo xareeyay 12.25 crore.

Filimkaan ayaa sabtidii sifiican sare ugu kacay asigoona keenay 4.25 crore balse shalay oo axad aheyd sidii laga filaayay sare uguma kicin wuxuuna kaliya keenay 5 crore.

Jawaani Jaanemam mudo 3 maalmood haatan wuxuu keenay 12.50 crore wuxuuna ganacsi ahaan ka roonyahay filimka Panga asigoona ka liito filimka Chhapaak.

Maanta waa isniin waana maalin shaqo waa qasab in filimkaan hoos u dhiciisa 50% ka badneyn hadii uu rabo inuu badbaado hadii kale daadka ayaa qaadi doono.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo ganacsiga uu sameeyay mudo 3 maalmood ah;

Jimce; 3 crore.

Sabti; 4.25 crore.

Axad; 5 crore.

Wadarta guud; 12.25 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here