filimka Hollywoodka ee Joker ayaa ganacsi heer sare sameeyay mudo sadax todobaad inkastoo uu wali maalinta bari sii heysto hadana filimkaan wuxuu keenay lacag dhan 63 crore waana ganacsi heer sare ah.
Filimadii tiyaatarada la saaray markii laga reebo WAR sadaxdii todobaad ugu dambeeyay Box Officeka wey ku fashilmayeen hase yeeshee filkimka Joker ayaa ganacsi macquul ah sameeyay wuxuuna qarka u saaranyahay inuu noqdo filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay kaasoo lagu daawaday kaliya luuqada Englishka.
Filimka Joker ayaa rikoorkaas u jiro kaliya 2 crore maadaama laga rabo inuu soo xareeyo 65 crore si uu darajadaas u gaaro.
Halkaan hoose kaga bogo lacagaha uu filimka Joker soo xareeyay mudo sadax todobaad;
Isbuuciisa koowaad 37.89 crore.
Isbuuciisa labaad; 17.98 crore.
Isbuuciisa sadaxaad mudo 6 maalmood; 7.50 crore.
Wadarta guud; 63.37 crore.