Filimka Hollywood-ka ah Joker ayaa ganacsi weyn ka sameenayo gudaha USA iyo daafaha caalamka mana ahan mashruuc hakanaayo madaama $700m ka badan soo xareeyay waa ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray mashruucan cabsida badan waana filim siweyn u hirgalay.

Ilaa iminka filimka Joker wuxuu gudaha USA Boxoffice kasoo xareeyay $278m halka suuqyada caalamka uu ka keenay $572m taasi oo ka dhigan ganacsigiisa wadarta guud dibad iyo dal inuu haatan maraayo $850m!

Joker waxaa Director ka ah Todd Philips halka Joaquin Phoenix uu hogaamiye ka yahay wuxuuna xambaarsan yahay miisaaniyad $55m ilaa $70m u dhaxeyso sidaas ayuu ku noqday Blockbuster weyn oo macaash xad dhaaf ah laga helay ganacsigiisa dibad iyo dal.

Si gaar ah markaan u fiirino ganacsigiisa gudaha Hindiya ilaa iminka wuxuu soo xareeyay 64.50 Crore ($9.10m) waxayna u badan tahay ganacsigiisa gudaha Hindiya inuu kusoo idlaan doono 65 Crore sidaasna wuxuu ku noqon doonaa filimka lacagaha ugu badan gudaha Hindiya kasoo xareeyay ee luqada Af Ingiriiska kaliya lagu daawaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here