Filimka Jumanji – The Next Level isniintiisii labaad lacagaha uu keenay iyo halka uu ganacsigiisa maraayo.

0
493

Filimka Jumanji – The Next Level ayaa Box Officeka wacdaro ka dhigaayo xili uu maalintii shalay aheyd ee isniinta uu ka lacag badiyay ganacsigii uu keenay jimcadiisii koowaad waana arin wanaagsan.

Filimkaan ayaa shalay keenay 1.35 crore halka jimcadiina uu keenay 1.25 crore asigoona sare u kac sameeyay wuxuuna ganacsigiisa guud haatan marayaa 41.58 crore wuxuuna filimkaan kaabiga ku haayaa lacagihii uu keenay filimkaan qeybtiisa koowaad ee Jumanji – Welcome to The Jungle kaasoo horay usoo xareeyay 50 crore.

Jumanji – The Next Level wuxuu haatan isbuuciisa labaad soo xareeyay 7.60 asigoona ganacsigiisa week 2 noqon doono qiyaas ahaan 11 ilaa 12 crore.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 11 maalmood ganacsigiisa halka uu maraayo ilaa haatan;

Week 1; 33.98 crore.

Jimce; 1.25 crore.

Sabti; 2.25 crore.

Axad; 2.75 crore.

Isniin; 1.35 crore.

Wadarta guud; 41.58 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here