Filimka Hollywoodka ee Jumanji – The Next Level ayaa maalintii shalay isniin oo maalin shaqo aheyd sameeyay 45% hoos u dhac ah markii lala barbardhigo jimcadiisii koowaad oo uu keenay 5 crore halka shalayna uu keenay 2.75 crore.

Filimkaan oo asiga iyo filimka Bollywoodka ee Mardaani 2 isku mar tiyaatarada la saarey ayuu ganacsigiisa haatan marayaa 27 crore qiyaas ahaan wuxuuna todobaadkiisa koowaad keeni doonaa 33 ilaa 34 crore nadiif ah canshuurta kadib.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimka Jumanji – The Next Level ganacsiga uu sameeyay mudo 4 maalmood ah.

Khamiis galinka dambe; 1.25 crore.

Jimce; 5 crore.

Sabti; 8.25 crore.

Axad; 9 crore.

Isniin; 2.75 crore

Wadarta guud; 27 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here