Kangana Ranaut iyo Rajkumar Rao filimkooda Mental Hai Kya ayaa noqday mid si weyn u dhaliyay muran fara badan markii la daawaday maadaama filimkan si weyn loogu soo bandhigay muuqaalo dhibaato ku abuurayn bulshada

laakiin filimkan waxaa uu dhaxda ka galay muran iyo dhibaato taaso hore u sababtay in dib loo dhigo xiligii la daawan lahaa kaaso hore loogu qorsheeyay in la daawado bartamihii bishii June

waxaana midaas sababtay markii filimkan ay dacwad kasoo gudbiyeen ururka lagu magacaabo Indian Psychiatrist Society kuwaaso dacwad u gudbiyeen gudiga filimada faaf-reebaan oo magacooda loosoo gaabiyo CBFC

gudiga ka socda Indian Psychiatrist Society ayaa ku dacwoodayn in magaca filimkan uu saamayn ku yeelan doona laakiin kooxda filimkan ayaa ku andacoodayn in filimkooda uu yahay filim shactiro kaliya

laakiin waxaa markaas lagu amray in magaca Mental laga badalo filimka waxaana xiligaas loo bixiyay ‘Sentimental Hai Kya’ kaaso ereyga Mental lagu badalay ‘Judgementall

laakiin atariishadan oo dhawaan la hadlaysay saxaafada ayaa waxa ay fursad u heshay inay ka hadasho sababta ka dambaysa in filimkeeda laga badalo magacii hore ee loo qorsheeyay kaaso ahaa Mental

Kanagana Ranaut ayaa sheegtay inay jiraan dad badan kuwaaso loo sameeyo ama loo yeelo waxa ay doonaya qalad iyo sax laakiin Kanagana markii ay wax samayso waxa uu noqonaya mid dhibaato abuura

waxaana atariishadan ay tiri ” sida aan la wada socono magaca filimkayga waxaa loo badalay inay saamayso bulshada laakiin dadka ma arkan dhibaatada uu keeni karo magaca Kick kaaso ah magac aan waxba dhaamin magaca Mental

laakiin kaliya farqiga jira at tahay hogaamiyaasha labada filim aniga dadka i dhaleeceeya waxba igama galin kaliya waxaa xushmad iyo niyad u haaya taageerayaasheeda dunida ku nool”

hadalka Kanagana Ranaut waxaa laga fahmay in iyada filimkeeda lagu sameeyay qalad cad taaso aan lagu samaynin aktarada kale sida  Salman Khan kaaso la awoodi waayay in magaca filimkiisa Kick la badalo Kick waxaa la daawaday sanadkii 2012

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here