Home » Nolosha Jilaayaasha » Filimka Kuch Kuch Hota Hai Oo Maanta Si Rasmi Ah U Jirsaday 19 Sano Iyo Xidigihii u Hagar Baxay Qaab Jiliin Ahaan Filimkaan(+Sawiro)

Filimka Kuch Kuch Hota Hai Oo Maanta Si Rasmi Ah U Jirsaday 19 Sano Iyo Xidigihii u Hagar Baxay Qaab Jiliin Ahaan Filimkaan(+Sawiro)

Kuch Kuch Hota Hai waa filim Classic ah kaaso la daawaday sanadkii 1998 wuxuuna noqday All Time Blockbuster waana filim qaab jiliin ahaan inaba aan caadi ahen.

Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan filimkaan wuu kutaag taagsaday wuxuuna daawadayaasha tusay markale inuu yahay Boqorka Jaceylka.

Hadaba maanta oo ay taariikhda u beegneed 16 October ayaa loo dabaal dagaayey 19 sano oo uu jirsaday maadama la daawaday 16 Oct 1998 waxaana Director ka ahaa Karan Johar oo markii ugu horeysay Director filimkaan ku noqday.

Karan Johar ayaa baraha bulshada ku xusay filimkaan maanta wuxuuna yiri, “Ma rumeysan karo inee 19 sano kasoo waregatay aadabaan ugu mahadnaqayaa qofwalba oo jecel filimkeyga ugu horeyay misane ah filimkii jaceylkii ahaa ee aan sameyo kii koowaad”.

Dhanka kale Kajol ayaa iyadana dhankeeda baraha bulshada ku xustay filimkaan waxayna tiri,” 19 sano oo uu jirsaday KKHT Oo ay sameysay Dharma Productions 19 sano kahor.”

“Dadka qaar kood ma ilaawi doonaan filimkaan waan ku tabayaa adeer Yash (Yash Johar Karan Aabihiis).”

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Sawirada Xidigihii U Hagar Baxay Filimkaan Qaab Jiliin Ahaan Iyo Maanta Sidee Isku Badeleen: