Home » . » Filimka Laga Yaabay Ee Soomaalida Hawada Ka Qabsaday Jaya Janaki Nayaka Hit Miyaa Mise Waa Flop

Filimka Laga Yaabay Ee Soomaalida Hawada Ka Qabsaday Jaya Janaki Nayaka Hit Miyaa Mise Waa Flop

Waxaa jimcadaan lasoo fisiray filimka Jaya Janaki Nayaka waxaana ugu mahad celineynaa shirkadaha Fanrpoj iyo Astaan films ayagoo filimkaan si dhaqsi ah usoo fisireen marka lasoo saaray asigoo HD ah.

Haddaba filimka Jaya Janaki Nayaka marka soomalida daawaday hadal heyn ayaan maqlay oo ku aadan filimka iyo jilaayaasha.

Xaqiiqdii aniga xitaa waan daawaday filimka waana filim madadaalo dhamestiran oo dhan walbo leh waliba aan hal mar indhaha ka qaadi karin maadaama aan qayaasi karin waxa dhaci karo isla daqiiqadaas.

Asxaab badan ayaan arkay oo filimkaan ka faaloonaaya sidoo kale waxaa nala weydiiyay natiijada filimkaan haddaba shabakada Filimside ayaa u joogta in ay haqabtirto aqristayaasheeda.

Waxaa idin heynaa warbaxin ku saabsan filimka Jaya Janaki Nayaka hit miyaa mise flop.

Director: Boyapati Srinu

Xiliga la daawaday: 11 August 2017

Lacagaha lagu qarash gareeyay – 42 crore

Lacagaha nadiifka ah uu keenay – 36.25 crore

Lacagaha kooxda cajaladaha qebiyeen ku iibsadeen – 31 crore

Kooxda Cajaladaha qeybiyeen Lacagaha ay ka heleen – 21.45 crore

Natiijadiisa Flop

Qiimeynta IMDB Rating 4.6

Macluumad Ku saabsan filimka Jaya Janaki Nayaka Iyo Waxa u Sabab Ahaa Inuu Flop Noqday

Filimka Jaya Jayanaki Nayaka waxaa hogaamiyaal ka yihiin Bellamkonda Sreenivas,  Rakul Preet Singh,  Pragya Jaiswal sidoo kale waxaa doorar muhiim ah ku lahaa Jagapathi Babu, Tarun Arora, iyo Sarath Kumar.

Filimkaan waxaa amaan weyn ku helay atooraha koonfur ku cusub Bellamkonda Sreenivas, Rakul Preet Singh iyo rug cadaa Jagapathi Babu.

Jaya Jayanaki Nayaka wuxuu Flop ku noqday in kooxda filimka is ka leh ay kooxda cajaladaha qeybiyeen kaga iibsadeen lacago qaali ah oo 31 crore ah maadaama Bellamkonda uu ahaa jilaa cusub oo hori labo filim usoo sameeyay.

Hadii kooxda cajaladaha qeybiyaan looga iibin lahaa filimkaan 15 ilaa 20 crore wuu guuleysan lahaa laakiin kooxda filimkaan ayaa madax jug ka qabeen maadaama atoorayaasha kale oo ka awood badnaa sida Rana, Ram, iyo Nithin xaquuqda cajaladaha filimkooda ku iibiyay 15 ilaa 25 crore.

Sidoo kale jilaaga Bellamkonda Sreenivas, ma aha jilaaa awood ku leh daafaha caalamka waana meesha ugu sabab in filimkaan Flop noqdo asigoo kasoo xareeyay lacago gaaraaya 2.34 crore halka koonfur kaligii uu ka keenay 34 crore midaas oo ka dhigan in filimkaan koonfur Hindiya si weyn usoo dhaweeyeen.

Dhinaca kale filimkaan guushiisa waxaa dhaawacay filimada Nene Raju Nene Mantri, Iyo LIE oo hal maalin tiyaatarada lawada saaray waxaana xusid mudan in asigoo isku dhac galay inay isku lacag noqdeen filimka Rana ee Nene Raju Nene Mantri, marka laga hadlaayo lacagaha koonfur waxaa lagu garaacay filimka Rana.

 

Haddaba Aqriste Hadaa Daawaday Filimkaan Nala Wadaaga Fikirkaaga Ku Aadan Filimkaan Xiisaha Badan…

 

 

 

 

 

5 Responses to Filimka Laga Yaabay Ee Soomaalida Hawada Ka Qabsaday Jaya Janaki Nayaka Hit Miyaa Mise Waa Flop

  1. muscab Reply

    December 5, 2017 at 12:48 am

    Filimkan waa daawaday isla markiibana wxn kusoo laabtay qaybta kaydka box office ka filimside.net waanan ka ogaaday in uu big flop noqday weliba qaybta spider iyo vivegam lagaliyay ayuu ku jiray Lkn waa filin madadaalo dhamaystiran leh weliba doorar fiican laga siiyay boosaska(laadarada) filimka ee isla ficiltamaya

  2. Wariye Abdirahman Reply

    December 5, 2017 at 1:09 am

    Meeday sheekadii kun habeen iyo habeen asxaabey

  3. abdi kaaafi Reply

    December 5, 2017 at 9:25 am

    sxb zaki inosogaliya shekakusabsn jilaga geriyody ee sheshi kapoor thnks

    • Zakarie Abdi Reply

      December 5, 2017 at 9:43 am

      Waan soo galinay walaalkeen taariikhdiisa qaybta taariikhaha ka eeg

  4. Qodaale 900 Reply

    December 5, 2017 at 5:25 pm

    Wad mahadsan tihin asaxaabey filimkan Jaya jayanaki runti wa filim ad uxisa bdn music & heso macqula len iyo qiso wanagsan aniga waxan dhihi laha uma qalmo Flop waxaa aad iiso jiitay sida uu udifaaca gabadha & ereyada mcn u kula hadla kan hadu flop noqday ya super hd noqo na hee????? Filimside wadku mahadsan tihiin fahanka ad naga siisen filimkan runti inan waxka ogado ayan uso galay webka txn all

Leave a Reply to abdi kaaafi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *