Filimka Lal Kaptaan 2.50 crore ma dhaafi doono blasé lacagta lagu qarash gareeyay hadaad maqasho afkaad taagi doontaa. kani waa burbur lixaad leh.

0
1220

Sai Ali Khan filimkiisa Lal Kaptan ayaa burbur lixaad leh ku habsaday waxaana lagu soo waramayaa in cimri ahaantiisa in filimkaan uusan dhaafi doonin 2.50 crore waana lacag laga filaayay in maalin barked ku sameeyo markii loo fiiriyo qarashka la galiyay.

Filimkaan ayaa waxaa lagu qarash gareeyay lacag kor u dhaafeyso 40 crore balse haatan inuu lacagtaas soo celiyo iska dhaafee xitaa cimri ahaantiisa wuxuu keeni waayay wixii laga filaayay hal maalin inuu ku keeno.

Kooxda filimkaan ayaa bartanka kaga jiraan qasaaro kii ugu weynaa ayagoona ay ka maqantahay 37.50 crore wuxuuna filimkaan noqonayaa kii ugu qasaaraha badnaa ee aan dhawaanahaan aragnay.

Saif Ali Khan guuldaro weyn ayuu bartanka kaga jiraa balse haatan rajadiisa dhan waxay ku xirantahay filimka Tahanji oo uu laadar ku matalaayo waxaana filimkaan la wado Ajay Devgan waana qasab inuu filimkaan guuleysto si uu Bollywoodka baaqi ugu sii ahaado hadii kale gabalkiisa ayaa dhici doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here