Filimka Lal Kaptaan oo Box Officeka ku burburay iyo sadaxdiisii maalmood ugu horeysay lacagaha uu keenay.

0
959

Filimka Lal Kaptan ee uu hogaamiyaha kayahay Saif Ali Khan ayaa gabi ahaanba daawadayaasha iska diideen wuxuuna sameeyay ganacsi aad u liito sadaxdiisii maalmood ugu horeysay.

Filimkaan oo jimcadii tiyaatarada la saaray ayaa jimcadii keenay 50 Lakh halka sabtidiina wax sare u kac uusan sameynin wuxuuna keenay 60 Lakh.

shalay oo axad aheydna filimkaan wuxuu keenay kaliya 65 Lakh wuxuuna sidaas wadarta guud filimkaan ku noqoneysaa 1.75 crore inuu keeno sadaxdiisa maalin ugu horeyso.

Filimka Lal Kaptaan lama filaayo inuu tiyaatarada baaqi kusii ahaan doono waxayna u badantahay in dhaqso laga dajin doono isla markaasna tiyaatarada loo baneen doono filimka weyn ee Housefull 4 kaasoo jimcada nagu soo foolka leh tiyaatarada la saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here