Superstar Akshay Kumar filimkiisa Laxmi Bomb ee Kiara Advani ku wehliso lana daawan lahaa Ciidul Fitrigan ama 22-ka bishan May ayaa haatan si rasmi ah shaaca looga qaaday in tiyaatarada la saari doonin oo si Online ah barta Internet-ka looga daawan doono waxaana laga iibiyay shirkada Disney+Hotstar.

Haddaba waxaa la ogaaday in shirkada Disney+Hostar filimka Laxmi Bomb ku iibsatay 90 Crore ilaa 100 Crore ($11.94m ilaa $13m) inta u dhaxeyso waana lacagihii ugu badnaa filim Hindi ah lagu iibsado ee si Online ah loo daawanayo waxaana ugu wacan in filimkan weli tiyaatarka laga daawanin inay kooxda mashruucan lacago waali ah iibkiisa ka helaan.

Waxaa la wada ogyahay in Akshay Kumar ka mid yahay filim soo saarayaasha mashruucan waxaana isla maal galiyeen isaga iyo Tusshar Kapoor oo sidoo kale door ku leh mashruucan waxayna ku qarash gareeyeen 50 Crore ($6.63m) oo aan ku jirin lacagaha Akshay flimada ku sameeyo madaama isaga soo saare ka yahay.

Sidaa darteed mashruucan 50 Crore lagu qarash gareeyay waxay kooxda filimkan ka heli doonaan 50 Crore faa’iido nadiif ah asigoon tiyaatarka la saarin waxaana lacagahan inta ugu badan qaadan doono Akshay Kumar halka inta kalena Tusshar Kapoor heli doono madaama uu soo saarayaasha ka mid yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here