Inaba caadi ma ahan hadal heynta uu xambaarsan filimka weyn ee lagu magacaabo Mafia: Chapter 1 waa mashruuc Tamil ah oo maalinta berito ah tiyaatarada la saari doono waxaana hogaamiye ka ah Arun Vijay.

Mafia: Chapter 1 shirkada Lyca Productions ayaa maal galineyso waa mashruuc kulul oo qolyaha cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh kalsooni xoogan ku qabaan inuu Tamil Nadu wacdaro aan caadi ahayn ka dhigi doono filimkan fariinta maafiyada iyo gaangester-ka xambaarsan.

Filimka Mafia: Chapter 1 waxaa atirisho kowaad ka ah Priya Bhavani balse Arun Vijay waxay mashruucan ku xifaaltami doonaan Prasanna iyo jilaayaal kale madaama awooda iyo maamulka Tamil lagu tartami doono iyo sida loo kala qamarjisan yahay wuxuuna mashruucan leeyahay qayb labaad.

Director Karthick Naren wuxuu ku kalsoon yahay qaabka sheekad filimkan loo dhigay in daawadayaasha siweyn ugu kasban doonaan. Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimkan sida weyn loo sugaayo hubaal ahaan waad ka heli doontaa:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here