Filimka Malang ayaa sadaxdiisa maalin ugu horeyso ee todobaadkiisa koowaad sameeyay ganacsi macquul ah balse siduu fasaxa isbuy dhamaadka uga faa’ideystay uma muuqato in filimkaan sii socon doono.

Malanga ayaa shalay oo axad aheyd keenay 9.25 crore taasoo ka dhigan ganacsigiisa guud mudo 3 maalmood filimkaan inuu maraayo 24 crore (Trade Figure) sida goor dhow shaaca ka qaaday shabakada Box Office India.

Maanta oo isniin ah waa muhiim ganacsiga uu filimkaan sameeyo waana qasab inuusan sameynin wax kabadan 50% hoos u dhac ah waa hadii uu rabo in tiyaatarka baaqi kusii ahaado.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo ganacsiga uu sameeyay mudo sadax maalmood.

Jimce; 6.50 crore.

Sabti; 8.25 crore.

Axad; 9.25 crore.

Wadarta guud; 24 crore (Trade Figure).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here