Aditya Roy Kapur, Disha Patani, Anil Kapoor iyo Kunal Khemu filimkooda Action-ka, qayaanada iyo heesaha isku jiro ee lagu magacaabo Malang ayaa u suura gashay inuu ganacsi ahaan is celiyo Isniintiisa kowaad madaama 40% kaliya hoos u dhac flimkan sameeyay wuxuuna ka gudbay tijaabadii cusleed ee hor tiilay.

Qiyaasta xili hore sida ay shabakada BOI soo daabacday filimka Malang wuxuu keenay 3.75 Crore ilaa 4 Crore ganacsi u dhaxeeyo Isniintiisa kowaad wuxuuna haatan keenay mudo afar maal mood ah 29 Crore qiyaas ahaan sidoo kalena todobaadkiisa kowaad wuxuu keeni doonaa 38 Crore ilaa 39 Crore ganacsi u dhaxeeyo waana ganacsi wanaagsan.

Filimka Malang miisaaniyaad adag oo ku dhawaad 50 Crore gaareyso ayuu xambaarsan waxaana laga rabaa filimkan inuu sii gadmo todobaadkiisa labaad xitaa balse mashruucan haddii uu 60 Crore cimri ahaantiisa gaaro wuxuu noqon karaa filim bad baado ama Average ah.

Dhinaca kale filimka Shikara ayaa gabi ahaanba hoos u dhac weyn sameeyay Isniintiisa kowaad wuxuuna qiyaas ahaan keenay ganacsi u dhaxeeyo 40 Lakh ilaa 50 Lakh waxayna haatan ka dhigan tahay mudo afar maalmood ah inuu keenay 5 Crore waana ganacsi liito mana sii socon karo filimkan magaalooyin kooban laga daawanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here