Filimka Mardaani 2 ayaa Box Officeka wacdaro ka dhigaayo xili uu maalintii shalay aheyd ee isniinta uu ka lacag badiyay ganacsigii uu keenay jimcadiisii koowaad waana arin wanaagsan.
Mardaani 2 ayaa shalay keenay 1.25 crore halka jimcadiina uu keenay 1.15 crore asigoona sare u kac sameeyay wuxuuna ganacsigiisa guud haatan marayaa 34.91 crore asigoona ku dhaw ganacsigii uu keenay filimkaan qeybtiisii koowaad ee Mardaani taasoo aheyd 35.81 crore.
Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 11 maalmood ganacsigiisa halka uu maraayo ilaa haatan;
Week 1; 28.01 crore.
Jimce; 1.15 crore.
Sabti; 2 crore.
Axad; 2.50 crore.
Isniin; 1.25 crore.
Wadarta guud; 34.91 crore