Filimka Mardaani 2 iyo ganacsiga uu sameeyay shalay oo Axad aheyd.

0
596

Filimka Mardaani 2 oo ah qeybtii labaad ee filimkii guusha gaaray sanadkii 2014tii ee Mardaani sidoo kalana hogaamiye katahay atariishada Rani ayaa shalay oo axad aheyd soo xareeyay 7.75 crore.

Filimka ayaa shalay markale sare u kac sameeyay balse sare u kicii laga filaayay ma uusan sameynin markii lala barbardhigo qaabkii uu sare ugu kacay sabtidiisii koowaad wuxuuna filimka sameeyay kaliya 20% sare u kac.

Filimka Mardaani 2 ayuu haatan ganacsigiisa guud marayaa 18 crore mudo 3 maalmood ah halka filimkaan qeybtiisa koowaad mudo sadax maalmood ku keenay 14.50 crore sanadkii 2014tii sida muuqatana farqi weyn uma dhaxeeyo walow da’ ahaan 5 sano kala weyn yihiin.

Filimkaan maanta ayaa la ogaan doonaa halka uu hiigsan doono iyo hadii uu tijaabada ka gudbi doono maadaama maalin shaqo tahay.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 3 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 3.75 crore.

Sabt; 6.50 crore.

Axad; 7.75 crore.

Wadarta guud; 18 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here