Filimka Mardaani 2 iyo maalintiisii koowaad ganacsiga uu Box Officeka ka sameeyay.

0
940

Filimka Mardaani 2 waxaa hogaamiye ka ah Rani Mukherjee waana qeybta labaad ee filimka guusha wacan gaaray ee Mardaani kaasoo la daawaday sanadkii 2014tii wuxuuna Box Officeka ka noqday Semi Hit.

Balse filimkaan ayaa maalintii shalay aheyd ku furmay qaab liito asigoona keenay lacago u dhaxeeyo 3.50 ilaa 3.75 crore.

Filimaan ayaa laga rabaa in maanta oo sabti ah iyo bari oo axad ah uu sare u kac xoogan sameeyo isla markaasna uu isbuucaan ka faa’ideysto waayo isbuuca dambe waxaa gabi ahaan inta badan tiyaatarada India loo baneyn doonaa filimka weyn ee Dabanagg 3 kaasoo uu hogaamiye ka yahay jilaaga Salman Khan.

Sidaas darteed Mardaani 2 wuxuu heystaa kaliya mudo hal isbuuc ah waxaana muuqato in kooxda filimkaan leh ay kusoo aadiyeen waqti aad u xun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here