Filimka Mardaani 2 iyo mudo 10 maalmood ganacsigiisa halka uu marayo.

0
487

Filimka Mardaani 2 oo ay hogaamineyso atariishada lawada jecelyahay ee Rani Mukherjee ayaa ayaa siweyn isku celiyay todobaadkiisii labaad sadaxdiisa maalin ugu horeyso asigoona keenay filimkaan 5.50 crore.

Mardaani 2 waxaa la is lahaa duufaanta Dabangg 3 ayaa qaadi doonto balse filimkaan ayaa helay daawadayaal ku filan asigoona si adag isku celiyay xisaabtana ku darso in filimkaan qudhiisa ay rabshadaha saameyn ku yeesheen sidaas oo ay tahayna ganacsigiisa waa heer sare.

Mardaani 2 haatan ganacsigiisa guud wuxuu marayaa 33,50 crore wuxuuna todobaadkiisa labaad keeni doonaa qiyaas ahaan ilaa 36 crore asigoona ay u badantahay in cimri ahaantiisa uu ku ekaado 40 crore.

Mardaani 2 ayaa isbuuciisa 3aad markale waxaa saameyn ku yeelan doono filimka Good Newws waxaana fiicneyd in filimkaan laga wareejiyo filimadaan waaweyn maadaama fariintiisa aad loo amaanayo.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo M2 iyo mudo 10 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Week 1; 27.85 crore.

Jimcadiisii 2aad; 1,15 crore.

Sabtidiisii 2aad; 2 crore.

Axadiisii 2aad; 2.50 crore.

Wadarta guud; 33.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here