Filimka Mardaani 2 iyo mudo 5 maalmood ganacsigiisa halka uu maraayo.

0
651

Filimka Mardaani 2 ayaa maalintii shalay aheyd markale ganacsi wanaagsan suubiyay asigoo filimkaan si adag isku celiyay wuxuuna kaliya sameeyay 5% hoos u dhac waana wax aan la sheegi Karin.

Filimka Mardaani 2 ayaa shalay oo talaado aheyd keenay 2.50 ilaa 2.75 crore lacago u dhaxeeyo waxayna haatan u muuqataa in todobaadkiisa koowaad keeni doono 28 crore asigoona haatan ganacsigiisa maraayo 23.50 crore.

Mardaani 2 ayaa heysto maanta oo arbaco ah iyo bari oo khamiis ah waxaana laga bilaabo maalinta jimcaha tiyaatarada la loo baneyn doonaa filimka weyn ee Dabangg3 kaasoo tiyaatarada ugu badan la wareegi doono lamina oga tiyaatarada lasaari doono filimkaan inta ay la ekaan doonto balse sheeko ahaan filimkaan waa mid sifiican looga helay.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Mardaani 2 iyo mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 3.75 crore.

Sabti; 6.50 crore.

Axad; 7.75 crore.

Isniin; 2.75 crore.

Talaado; 2.65 crore.

Wadarta guud; 23.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here