Filimka Mardaani 2 oo siweyn isku celiyay isniintiisii koowaad iyo filimkaan ganacsiga uu keenay.

0
438

Filimka Mardaani 2 ayay u muuqataa inuu tijaabadii koowaad ka gudbay kadib markii uu isniintiisii koowaad ganacsi wacan sameeyay asigoona keenay 2.75 crore wuxuuna filimkaan sameeyay kaliya 25% hoos u dhac ah markii lala barbardhigo jimcadiisii koowaad.

Filimkaan ayaa wuxuu aad ugu wanaagsanyahay haatan magaalooyinka Mumbai iyo Kolkatta gaar ahaan magaalada Kolkatta oo uu ganacsi wacan ka sameynaayo waxaana haatan laga dhar sugi doonaa jimcadiisa labaad iyo filimkaan qaabka uu ku furmo taasoo cadeyn doonto hadii uu Hit noqon doono iyo hadii kale.

Inkastoo jimcadiisa labaad tiyaatarada ugu badan la saari doono filimka Dabangg3 hadana Mardaani 2 tiyaataro gooni ayaa la siin doonaa inkastoo tiyaatarada uu haatan saaranyahay waxbadan la dhimi doono.

Mardaani 2 ayay haatan u badantahay in isbuuciisa koowaad keeni doono 28 crore asigoo haatan ganacsigiisa mudo 4 maalmood uu maraayo 21 crore waxaana xusid mudan in filimkaan qeybtiisa koowaad ee la daawaday 2014tii uu cimri ahaantiisa keenay 36 crore isla markaasna darajo ahaan uu Semi Hit noqday.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo Mardaani 2 iyo mudo 4 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 3.75 crore.

Sabtid; 6.50 crore.

Axad; 7.75 crore.

Isniin; 2.75 crore.

Wadarta guud; 20.75 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here