Filimka Mardaani iyo isbuuciisa koowaad ganacsiga uu sameeyay + jimcadiisa 2aad.

0
486

Filimka Mardaani 2 ayaa ganacsi wacan sameeyay jimcadiisii labaad si lamid ah asigoo ganacsi wacan sameeyay todobaadkiisii koowaad wuxuuna keenay 27.85 crore nadiif ah.

Filimkaan ayaa sidoo kale maalintii shalay aheyd ayadoo rabshado jireen sidoo kalana Dabangg 3 uu badi tiyaatarada la wareegay ganacsi wacan sameeyay wuxuuna jimcihii shalay keenay 1.10 crore waana ganacsi heer sare ah.

Filimkaan hubaal ganacsigiisa intaan wuu ka badan lahaa dag-dag ayuuna Hit ku noqon lahaa hadii todobaadkiisa labaad tiyaatarada badankooda Dabangg 3 lagu wareejin laheyn balse maadaama Dabangg 3 meesha soo galay waa qasab in filimkaan lacagihiisa hoos u dhacaan tiiyoo ay jirto in todobaadkiisa 3aad filimka Good Newws meesha kusoo wajahanyahay.

Mardaani 2 ilaa haatan wuxuu heystaa jaanis uu ku gaaro 40 crore hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo lacagaha uu keenay mudo 8 maalmood;

Todobaadkiisa koowaad; 27.85 crore.

Jimcadiisa labaad; 1.10 crore.

Wadarta guud; 28.95 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here