Filimka Marjaavaan iyo axadiisa koowaad lacagaha uu keenay.

0
1034

Filimka Marjaavaan ayaa maalintii shalay aheyd ganacsi wacan sameeyay asigoona keenay 9.75 crore nadiif ah taasoo ka dhigan in filimkaan mudo sadax maalmood kusoo xareeyo 23.75 crore.

Filimka Marjaavaan oo ay hogaamiye ka yihiin Sidharth Malhotra iyo Retiesh Dheshmukh ayaa ganacsigiisa ugu badan oo ah 70% ka sameeyay Tiyaatara Single Screenska ee loogu talo galay dadka dabaqada dhexe iyo reer gobolka wuxuuna aad uga liitaa tiyaarada dadka reer magaalka ah asigoona halkaas kasoo xareeyay 30% kaliya.

Filimkaan ayaa maanta oo isniin ah laga filanayaa inuusan hoos u dhac weyn sameynin waana filim sheeko ahaan aad loo amaanay hadaba halkaan kaga bogo mudo sadax maalmood lacagaha uu ku keenay kaasoo ay BOI soo daabacday;

Jimce; 7 crore.

Sabtil 7 crore.

Axad; 9.75 crore.

Wadarta guud; 23.75 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here