Filimka Marjaavaan iyo maalintiisa labaad lacagaha uu keenay.

0
906

Filimka Marjaavaan oo ay hogaaminayaan jilayaasha Sidharth Malhotra iyo Ritiesh Deshmukh ayaa ganacsi wacan sameeyay maalintiisii labaad asigoona soo xareeyay 7 crore.

Filimkaan oo lagu qarash gareeyay 70 crore ayay kooxda cajaladaha ku iibsadeen kaliya 15 crore taasoo wax fiican ka dhigeyso in maalintiisa labaad uu soo xareeyo 7 crore asigoona maalintiisa koowaad keenay isla 7 crore mana uusan sameynin wax hoos u dhac ah.

Filimkaan in mudo 2 maalmood uusoo xareeyo 14 crore waxay ka dhigantahay inuu soo celiyay lacagihii kooxaha cajalada ku iibsadeen maanta oo axadna ganacsi fiican ayaa laga sugayaa.

Hadii maanta uu sare u kac fiican sameeyo sidoo kalana bari oo isniin ah is celiyo waxay ka dhigantahay in filimkaan Hit ku noqonaayo mudo 4 maalmood isla markaasna darajada Super Hit usii talaabi doono.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo ganacsiga uu keenay filimka Marjaavaan mudo 2 maalmood ah.

Jimce; 7 crore

Sabtid; 7 crore.

Wadarta guud; 14 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here