Filimka Marjaavaan iyo maalintiisii koowaad ganacsiga uu sameeyay.

0
893

Filimka Marjaavaan ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay maalintiisii koowaad asigoona keenay 6.75 ilaa 7 crore lacago u dhaxeeyaan.

Lacagahaan uu filimka Marjaavaan maalintiisa koowaad keenay ma ahan kuwo aad u badan waxaana u sabab ah in filimka tiyaataro ku filan la siinin asigoona shalay la saaray kaliya 2300 tiyaatar taasoona kaliftay in ganacsi badan uusan maalintiisa koowaad sameynin.

Lacagaha uu maalintiisa koowaad keenay waa kuwa macquul ah misna filimkaan rajo wanaagsan galin karaan balse hadii uu noqonaayo mid guuleysta iyo hadii kalaba waxaa la kala ogaan doonaa sida uu uga gudbo caqabadaha filimkaan uu isniintiisa koowaad la kulmi doono maadaama maalin shaqo ay tahay.

Maanta oo sabti ah sare u kac fiican ayaa laga filan karaa halka bari oo axad ahna isla markaasna ah maalin nasasho la filaayo in ganacsigiisa ugu wanaagsan uu la yimaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here