Filimka Marjaavaan ayaa ganacsi gaabis ah misna liito sameeyo sadaxda maalmood ugu horeyso isbuuciisa labaad asigoona keenay 4.40 crore waana ganacsi aad u hooseeyo.

Filimkaan oo isbuuciisa koowaad sidoo kale ganacsi liito sameeyay ayaa waxaa laga rabay in ugu yaraan uu isbuuciisa labaad is celiyo hase yeeshee siweyn ayuu hoos ugu dhacay wuxuuna haatan ganacsigiisa guud marayaa 42 crore mana gaari doono si muuqato 50 crore.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo ganacsiga uu sameeyay mudo 10 maalmood;

Todobaadkiisa koowaad; 36.75.

Jimcadiisa labaad; 1 crore.

Sabtidiisa labaad; 1.40 crore.

Axadiisa labaad; 2 crore

Wadarta guud; 42.15 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here