filimka Marjaavaan iyo mudo 2 todobaad ah lacagaha uu soo xareeyay.

0
1185

Filimka Marjaavaan ayaa todobaadkiisii labaad keenay 7.25 crore asigoona filimkaan sameeyay 80% hoos u dhac ah markii lala barbar dhigo todobaadkiisa koowaad oo uu keenay 37.15 crore waana hoos u dhac aad u badan misna lacagaha filimkaan waxbadan hoos u dhigay.

Filimka Marjaavaan ayaa todobaadkiisii koowaad lacago iska meel dhexaad keenay asigoona soo xareeyay 37.15 crore waxaana la is lahaa todobaadkiisa labaad ayuu is celin doonaa mana aysan dhicin midaas oo wuxuu keenay kaliya 7.25 crore taasoo wadarta guud ee filimkaan ka dhigeyso 44.50 crore qiyaastii wuxuuna ka gaabin doonaa filimkaan haatan in cimri ahaantiisa uu gaaro darajada 50 crore.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Marjaavaan iyo mudo labo todobaad lacagaha uu keenay;

Todobaadkiisa koowaad; 37.15 crore.

Jimce labaad; 1 crore.

Sabti labaad; 1.40 crore.

Axad labaad; 2 crore.

Isniin labaad; 80 lakh.

Talaado labaad; 80 lakh.

Arbaco labaad; 70 lakh.

Khamiis labaad; 60 lakh.

Wadarta guud; 44.45 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here