Home » Box Office » Filimka Padmaavat oo sare u kac xoog badan sameeyay Sabtigiisa sedexaad ganacsigiisa

Filimka Padmaavat oo sare u kac xoog badan sameeyay Sabtigiisa sedexaad ganacsigiisa

Inaba caadi ma ahan filimka Padmaavat ayaa sare u kac xoog badan sameeyay Sabtigiisa sedexaad wuxuuna keenay 6 Crore ilaa 6.25 Crore ganacsi u dhaxeeyo taasi oo ka dhigan 75% sare u kac inuu sameeyay marka lala bar bar dhigo Jimcadii sedexaad ganacsigiisa.

Padmaavat haatan ganacsigiisa wuxuu marayaa 234 Crore mana u eko filim hakanaayo sidoo kalena gobolka MP in laga daawado ayaa loo fasaxay meelaha qaar taasi oo ganacsigiisa sare usii qaaday.

Todobaadkan maal maha Talaado iyo Arbaco fasaxyo ayaa gudaha Hindiya ka jiraan oo lagu kaabay maanta oo Axad ah shaqada laga nasanaayo waxay xaqiijin doontaa in filimkaan ku dhawaad 30 Crore keeno todobaadkiisa sedexaad!

Padmaavat wuxuu fursad wacan u heestaa in cimri ahaantiisa 75 Crore gaaro waayo filimkan Padman halis weyn kuma noqonin madaama bulshada badankooda Padmaavat daawanayan halka Padman haweenka iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Akshay Kumar daawanayaan sidaa darteed Padmaavat bulshada qeybaheeda ugu badan ayuu heestaa.

Fadlan hoos kaga bogo Padmaavat ilaa hada ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 159.47 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 64.75 Crore (Qiyaas)

Jimco sedexaad – 3.50 Crore (Qiyaas)

Sabti sedexaad – 6.25 Crore (Qiyaas)

Todobaadka sedexaad – 9.75 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 233.97 Crore (Trade Figure) (Qiyaas)

One Response to Filimka Padmaavat oo sare u kac xoog badan sameeyay Sabtigiisa sedexaad ganacsigiisa

  1. Sacad Ismail

    February 11, 2018 at 11:00 am

    Wr nimanyaw flimkA naga soo somali gareeya