Filimka Padman fiidkan halka uu maraayo iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameyn karo qiyaas ahaan

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Padman ayaa maalintiisa 4-aad tiyaatarada saaran waxaana lasoo bandhigay fiidkan halka uu maraayo iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga laga filan karo qiyaas ahaan.

Akki filimkiisa maanta subaxdii hore wuxuu ku furmay 20% asigoo xiligii duhurka gaaray 25% halka caawo fiidkii u filimkaan maraayo 30%.

Padman hoos u dhac 35% ilaa 40% ayuu sameeyay marka lala bar bar dhigo Jimcadii ganacsiga uu sameeyay waana hoos u dhac la qaadan karo walow ay aad u wanaagsaneyd inuu ganacsigiisa maanta adkaado madaama Jimcadii ganacsigiisa uu dhex dhexaad ahaa.

Isku bar bar dhig lagu sameeyay Padman maalintiisa 4-aad iyo maalintiisa 1-aad subaxdii hore, duhurk/galab iyo fiidkii:

Isniin subaxdii hore 20% (Jimco subaxdii hore 25%-30%)

Isniin duhurkii 25% (Jimco duhurkii 25%-30%)

Isniin fiidkii 30% (Jimco fiidkii 45%-50%)

Qiyaasta xili hore waxay muujineysaa in Padman maalintiisa afaraad ama Isniintiisa kowaad keeni doono 6 Crore ilaa 6.25 Crore laakiin waa qiyaas hore isbadalo wey dhici karaan hadii caawo gelinka dambe uu filimkaan sii gadmo.

1 Comment

  1. asc sxb zaki padman dafaha calamka meeeqo ayuu ka marayaaa sidan filayo 50 deal ayaa LA saaray Marka ganacsiga uu sameeyay Ayaan rabnaaa

Comments are closed.